Majacase – Halyeyga horumarka Kubadda Cagta ee Puntland (Wax ka ogow ragga ka dambeeya guulaha xulka Puntland ee SIRT)

13816838_1167617809964208_1418056137_n

(Muqdisho) 20 Dis 2017. Kooxda Kubadda Cagta ee Puntland waxa ay markii labaad oo xiriir ah gaartay kama dambeysta SIRT (Somali’s Inter – Regional Tournament).

Ma ahayn mid fillan waa ku noqotay mucaashaqiinta malaayiinta ah ee tartankan xiisaha badan ee kala soocday dalka iyo dibadaba.

Puntland iyaga ayaa difaacanaya tartankan kaddib markii ay si xarago leh kal hore uga qaaday shantii kooxood ee kula loolamayey.

Hadaba su’aasha mudan in la’is weydiiyo  ayaa ah yaa ka dambeeya guulaha taariikhiga ah ee ay gaareyso Puntland marka ay timaado Kubadda Cagta ee Soomaalia?

Iyada oo la wada ogyahay in ay soo shaac baxday quwadda ciyaareed ee Puntland 2010-kii markaas oo lagu qabtay koobabka gobollada Soomaaliay deegaanadeeda oo ay ku baratameen 15 gobbol ayaa waxaa afar dhammaadka u soo baxay Benadir oo ugu dambeyn ruxday, Bari iyo Nugaal (oo ka wada tirsan Puntland) iyo Jubbadda Hoose.

13817290_1765582333727568_1021397206_n 13823188_1167607419965247_1174934802_n 13823352_1167623686630287_44269870_n 13823644_1167623756630280_294165114_n

Guulahaas waxa ay ku yimaadeen dadaalka iyo dhabar adeyga uu muujiyey godoomiyaha xiriirka Kubadda Cagta ee Puntland, Mustafe Cabdiraxmaan oo loo garan ogyahay Majacase.

Gudoomiyuhu waxa uu muddo dheer ka soo shaqeenayey sare u qaadidda ciyaaraha deegaanada Puntland ilaa iyo heerarkiisa hoose (Grassroots-ka) ilaa ay hadda ka soo gaaraan heerkii ugu sarreeyey ee xirfadooda.

Mustafe waxa uu xilal ka hooseeya midka uu haatan hayo ka soo qabtay deegaanka Puntland waxa uuna mudd 10 sano ku dhaw soo ahaa gudoomiyaha ciyaaraha ee gobolka Bari oo uu u horseeday in ay quwad isborti ka noqdaan deegaankaas iyo Soomaliya guud ahaan.

25446358_2014760032143129_3689714584456574640_n

Bari waa gobolka ugu koobabka badan tartamada maamul gobolleedka Puntland –  waxaa loo sababeeyaa shaqadda adag ee uu Mustafe Majacase ka soo qabtay.

Hadda uu yahay godoomiyaha xiriirka Kubadda Cagta Puntland wax yaabaha la taaban karo ee uu qabtay waxaa ka mida…

1…In uu is fahan wanaagsan ka gaaray wada shaqeynta u dhexeysa xiriirka Kubadda Cagta Puntand iyo xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo hadda maraya meeshiisii ugu wanaagsaneyd.

2…In uu abaabulay in Puntland laga qabto horyaal heerka kowaad ah oo aan noociisa abid Soomaliya ugu dhicin oo gobollo kala fog fog kooxo guri iyo bannaan ku wada dheelaan kuna soo dhammado jawi qurux badan.

3….In  wada shaqeyn fiican dhexmarto xiriirka uu hogaamiyo iyo wasaaradda ciyaaraha iyo dhallinyarada Puntland.

4….In ay isku xirmanaan dhammaan bahda isbortiga Puntland oo kala xirnaa inta uusan xilka qaban.

5….In ay dhiirigalin helaan ciyaaryahanada deegaanka Puntland oo ku dhiiraday in ay ka fogaadaan waxyaabaha maanka dooriya iyo tahriibka aafeeyey dhallinyarada Soomaaliyeed.

13819527_1765590140393454_972282161_n

13819778_1765592370393231_1523094602_n 22853362_782118885328040_849887540023407517_n 25398619_804588996414362_2164094652861902444_n

Hase ahaatee, Mustafe kali kuma aha guulaha laga gaaray isbortiga Puntland waxaa uu wada shaqeyn iyo is fahan weyn la yeeshay udub dhexaadyadda xiriirkiisa sida Cabdiqaadir July oo ah xoghayaha guud ee xiriirka Kubadda Cagta Puntland oo si halyeynimo ku jirto uga qeyb qaatay horumarka cayaaraha ee deeganadaas.

Ragga shaqada wacan ka qabtay  horumarka ciyaareed ee Puntland waxaa ka mida Axmed Cabdalla (Tigaana) oo ah agaasimaha ciyaaraha iyo dhallinyaradda maamulka Puntland.

13814641_1765586610393807_1229563962_n

Intii uu majaraha u hayey Mustafe Majacase xiriirka Kubadda Cagta waxaa deegaanadda Puntland laba jeer soo gaaray 2016 – 2017 kooxda Kubadda Cagta Soomaaliyeed e Melbourne ee Australia kuwaas oo kulamo dhiirigalin ah la yeeshay kooxaha kala duwan ee Puntland ka dhisan.

W/D: Mohamed Kaafi

Email: Muhamedkaafi@Gmail.com

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close