Lemar kooxdan ayuu doorbidayaa ku buurideeda……waa tee?

Lemar

(Liverpool) 21 Dis 2017. Xiddigga Monoco Thomas Lemar waxa uu doorbidayaa ku biiridda Liverpool marka ay timaado kala doorashada iyada iyo Arsenal, sidaas waxaa qortay The Independent.

Arsenal waxa ay ku guuldarreysatay in ay £90 million heshiiskiisa ku dhammeyso xagaagii hore waxaana wali lala xiriirinayaa hadda, Chelsea ayaa sidoo kale muujisay xiiso.

Lemar sidoo kale waxa uu bartilmaameed u ahaa Liverpool kooxda ka dhisan Anfield ayaa aaminsan in ciyaaryahanka ogolaan doono dalabkeeda si uu ugu soo wareego Mersyseyside halkii uu tagi lahaa Emirates.

Reds waxa ay isu diyaarineysaa tagitaanka Philippe Coutinho oo la qabo in uu ugu dambeyn u dhaqaaqi dono Barcelona.

Sidoo kale, Maxamed Saalax ayaa hadda bartilmaameed u noqday Real Madrid.

 

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close