Iska iloow Willian iyo Luiz, Mourinho oo kii ugu shidnaa ka doonaya Chelsea

isi

(England) 20 Dis 2017. Jose Mourinho ayaa qorsheynaya in lacago Rikoodh ka noqon doona British 90-milyan oo bound ugu soo dhaqaaqo xiddiga indhaha u ah Chelsea ee Eden Hazard.

Macallinka Manchester United ayaa aaminsan in saxiixa kubbad qaabeeyaha reer Belgium uu ku garaaci karo Real Madrid iyo PSG.

Hazard, 26-jir ayaa kolhoreba diiday heshiis uu usbuuciiba Stamford Bridge uga qaadan lahaa 300,000 oo bound si uu uga fikiro dooqyada horyaala.

Tababaraha Real Madrid Zidane ayaa bartilmaameedkiisa koowaad ka dhigtay Hazard.

Warar ka imaanaya Spain ayaana sheegaya in xiddiga Blues uu camaaliqada Spain ku biiri doono marka uu dhammaado koobka adduunka ee lagu qaban doono Ruushka.

Laakiin Jose Mourinho ayaa Eden Hazard u arka cadka kaliya ee ka maqan Old Trafford.

Xiddiga 32-da milyan uga yimid Lille ayaa qeyb ka ahaa kooxdii Mourinho ee Chelsea taa oo ku guuleystay Premier League 2014-15.

Inkastoo la fahansan yahay in Hazard uu ka mid ahaa xiddigihii xiriirka xun la lahaa Jose markii laga soo ceyrinayay Blues bilooyin kaddib markii uu horyaalka u qaaday misane Special One ayaa diyaar u ah inuu weeraro kooxdiisii hore.

Manchester United ayaa ah kooxda heysata Rikoodhka suuqa kaddib markii ay 89-milyan oo bound ku soo iibsadeen Pogba 2016, iminkana waxay doonayaan inay jabiyaan kii hore.

Gool FM.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close