Talyaaniga oo furaya rug caalami ah ah oo lagu barto hannaanka VAR

(Coverciano) 19 Dis 2017 – Talyaaniga ayaa furay xaruntii dunida ugu horreeysey ee lagu fuliyo tababarka Hannaanka casriga ah ee Video Assistant Referee (VAR), marka la gaaro bisha soo aaddan ee Jannaayo 2018.

Farsamadan ku celinta muuqaalka ayaa fasalkan si rasmi ah looga dhaqan geliyay horyaallada Serie A iyo German Bundesliga, halka La Liga Spain iyo France Ligue 1 ay soo raaci doonaan fasalka xiga.

Runta tababarka Coverciano ee Florence, oo caadiyanba lagu qabtay koorsooyinka lagu barto tababarenimada ee lagu qaato baajka macallinnimada isla markaana uu ku tababarto xulka Talyaanigu, ayaa sidoo kale marti gelin doonta koorsooyinka tababarka VAR.

Waxaa la adeegsan doonaa agab tusaale ah (simulator) oo ay adeegsan doonaan garsoorayaasha ka socda caalamka iyo Talyaaniga, si sare loogu qaado xirfadda garsoorayaasha.

Waxaa madax ka noqon doona garsooraha reer Talyaani ee Roberto Rosetti, oo ahaa garsoore hore oo aad ula socdey hannaankan VAR tan iyo markii la hirgeliyay isagoo ay FIFA madax uga dhigtay mashruucan oo uu ka fuliyo tartamada caalamiga ah.
b
Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close