“Naag foolxumi qurxoonaan mayso xitaa haddii la naashnaasho” – De Grandis oo Milan ku ridey.

(Roma) 19 Dis 2017 – Weriyaha Sky Sport 24, Stefano De Grandis ayaa ka hadlay xareeynta kooxda AC Milan oo shalay lagusoo rogey wax u eg xukun oo ah inaysan ka bixi karin xerada tababarka Milanello inta laga gaarayo kulanka ay Sabtiga ku wajahayaan Atalanta.

“Ma Milan baa la xareeyay? Faa’iido kuma jirto, naag foolxumi qurxoonaan mayso xitaa haddii la naashnaasho”. ayuu yiri De Grandis.

“In la kansalo cashadii kooxda ee xilliga fasaxa waxay kaliya sii kordhinaysaa diiqadda, wax aan fahmayna maaha“. ayuu daba dhigay.

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close