Majaladda Marca oo cod galisay safka Real ee kulanka El Clasico…Bale, Isco oo ku soo bilaabanaya iyo………..

15136760120364

(Madrid) 19 Dis 2017. Su’aasha ah qofka uu ‘Bale ku bedeli lahaa safka kowaad ee kulanka El Clasico?” ayaa cod la galiyey, waxaa ka falceliyey boqolaal taageereyaal.

Iyada oo la soo bandhigay shan xulasho (Ciyaaryahanno) aqristeyaasha Marca waxa ay si aqlabiyad ah ugu codeeyeen Isco iyo Gareth Bale in ay ku soo bilowdaan kulanka El Clasico, halka Karim Benzema la dhigay keydka.

Boqolkiiba konton iyo shan (55%) ayaa sidaas u codeeyey halka kan ugu dhaw uu ahaa Bale oo helay 26% taas oo ah in Bale ku soo bilowdo oo uu keydka galo Isco.

Natiijada codbixinta Marca

Isco iyo Bale oo ku soo bilowda, Benzema la dhigo  keydka waxaa u codeeyey 51%.

Bale in uu ku soo bilowdo oo keydka la dhigo Iaco 26%.

Isco in uu ku soo bilowdo oo keydka la dhigo Bale 13%.

Isco iyo Bale oo ku soo wada bilowdo qof kale la dhigo keydka 9%.

Isco iyo Bale oo ku soo bilowda, keydka la dhigo Kroos 1%.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close