XOG: Gattuso oo kaddib guuldarradii shalay ku sigtay inuu casilo!

(Milano) 18 Dis 2017 – Weriye ka tirsan warsidaha Mediaset ayaa sheegaya in Gennaro Gattuso uu ku hanjabey inuu iscasilayo kaddib guuldarradii qaraarayd ee AC Milan shalay ka gaartey kooxda Verona.

Kooxda Rossoneri ayaa lagu xaaqay 3-0 tiiyoo kooxda ay ka badisay ay tahay koox qalqiil ugu jirta heerka 2-aad, waxaana naadiga Milan la geliyay wax u eg xabsi guri iyagoo aan kasoo bixi karin xerada tababarka tan iyo kulanka ay Sabtiga la leeyihiin Atalanta.

Yeelkeede, weiyaha Mediaset ee Guglielmo Mastroianni ayaa sheegaya inuu macallin Gattuso qaadan waayay dhaqanka laacibiinta oo u muuqda kuwo aan dan ka lahayn guuldarrada kooxda kaddib ciyaartaas, isagoo kaddib aadey xarunta Milan ee Casa Milan si uu isu casilo.

Guddoomiye Marco Fassone ayaa deeto ku qanciyay inuu go’aankaa ka fikiro, waxayna markaa kaddib wada guddoonsadeen in kooxda la xareeyo, waxaa kaloo la baajiyay munaasabad casho ahayd oo caawa kooxda loo qoondeeyay.


Si kastaba, ninka xiriirka bulshada ugu qabysan Milan ee Pasquale Campopiano ayaa soo Tweet gareeyay in Rino “uusan marna ka baaraan degin inuu is casilo”.

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close