“Waa jib kuma ahan Barcelona inay u sacabtunto Real Madrid” – Madaxwaynaha La Liga oo hadlay

(Madrid) 18 Dis 2017 Javier Tebas oo ah madaxwaynaha La Liga ayaa ka hadlay sacabtumida laga sugayo Barcelona.

Real Madrid ayaa ku soo guulaysatay koobka kooxaha adduunka sanadkaan 2017, waxaana la sheegay inay haboon tahay in Barcelona ay u sacabtunto Real ka hor kulanka El-clasico.

Image result for Javier Tebas

Madaxwaynaha La Liga ayaa sheegay in Barcelona aysan waajib ku ahayn inay salaan sharafeed u saarto Real Madrid galabka sabtiga.

Isaga oo ka hadlay arinka muranka badan dhaliyay ayuu yiri:

“Go’aanka salaan sharafeedka waa mid ay iska leedahay Barcelona, waa jib kuma ahan, si walba oo ay ahaato arinkaas muhiim iima ahan aniga”.

Barcelona ayaa horay u sheegtay inaysan u sacabtumi doonin Real Madrid maadama koobka kooxaha adduunka uu ka madax banaanyahay koobabka ay u tartamayaan labada kooxood.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close