Shaxda ay ku soo gali karaan Puntland iyo Banaadir iyo xiddigo muhiim ah oo ganaax ku seegaya

(Muqdisho) 18 Dis 2017. Tartanka maamul goboleedyada ayaa si xiiso leh u soconaya, xilli lagu ciyaaray garoonka Koonis ee ku yaala degmada Cabdcasiis.

Banaadir ayaa Garowe ku soo  qaaday  tartankii gobolada,  halka Puntlad ay Muqdisho iyana ku qaaday tartanka maamul goboleedyada oo saadkii aynu soo dhaafnay la bilaabay

Ciyaaryahano muhiim u ah Macallin Saalax ayaa ka maqnaan doono gobolka Banaadir,waxaana ka mid ah weeraryahanka halista badan ee C/majiid Xusni.

Xiddigahan ayaa ciyaarta ku seegaya min laba jaalo waxa ayna kala yihiin C/Majiid Xusni ,Maxamed Cusman Meynis iyo si doo kale daafaca Xuseen Habareey.

Macallin Saalax ayaa laga yaabaa in booska xiddigaha ka maqan uu ku buuxiyo ciyaaryahanada Tubo, Khaalid iyo Haaruun oo kullamadii u dambeeyay badel  ku soo galayay.

Dhanka  kale Puntland  ma jiro xiddig  ka maqan ciyaarta galabta,waxaana laga yabaa macallinka in uu ku soo galo shaxdii ugu dambeysay uu ku wajahay Koofur Galbeed.

Shaxda Macquulka ee Banaadir

shax

Safka Macquulka ee Puntland

punt hh

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close