SAWIRO XUL AH:  Yacquub oo Finalka geeyay Puntland

(Muqdisho) 18 Dis 2017. Banaadir ayaa sanadkii  labad oo xiriir ah lagu reebay warega afar dhamaadka  tartanka maamul goboleedyada ee ka soconaya Muqdisho.

Kooxda xafidaneysa koobkan ee Puntland ayaa gaartay guusheedii ugu horeysay tartanka, mahadaama laba bar baro ay ugu soo baxday guruubka B.

Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 0-0.

Markii la isku soo laabtay qeybta labaad waliba daqiiqadaha dambe Yacquub ayaa dhaliyay gool aan innaba caadi ahayn isagoo u gooyay labo ka mid ah daafacyada Benaadir isla markaana shabaqa dhex dhigay.

Fursado kale ayay sameeyeen Puntland waxayna bilow iyo dhammaad ciyaarta u muuqdeen kuwa guul soo hoyn kara kulanka.

Kooxda koobka difaacaneysa ayaa sanadkii hore Sami Finalka ka badisay Hirshabeele xilli ay kusoo guuleysatay koobkan,waxana sanadkaan ay ka badiyeen Banaadir.

Sikastaba Puntland ayaa iminka sugeysa cidda ka soo baxda Koofur Galbeed iyo Jubbaland oo berito ciyaari doona.

IMG_2637 IMG_2642 IMG_2643 IMG_2644 IMG_2645 IMG_2646 IMG_2648 IMG_2649 IMG_2650 IMG_2651 IMG_2652 IMG_2654 IMG_2655 IMG_2656 IMG_2657 IMG_2658 IMG_2659 IMG_2660 IMG_2661 IMG_2665 IMG_2666 IMG_2669 IMG_2670 IMG_2671 IMG_2672 IMG_2673 IMG_2674 IMG_2675 IMG_2678 IMG_2679 IMG_2681 IMG_2682 IMG_2683 IMG_2685 IMG_2688 IMG_2689 IMG_2690 IMG_2692 IMG_2693 IMG_2694 IMG_2695 IMG_2697 IMG_2700 IMG_2703 IMG_2704 IMG_2705 IMG_2707 IMG_2711 IMG_2712

Sawir Qaade: Mahad Shariif Jilacoow

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close