Messi oo ku guulaystay laba abaal marin iyo Real Madrid oo aan la arag (Marca oo bixisay abaal marinteeda sanadlaha ah)

(Madrid) 18 Dis 2017 Wargayska Marca ayaa bixiyay abaal marinada horyaalka Spain ee xiliciyaareedkii 2016/2017.

Lionel Messi ayaa ku guulaystay abaal marinta gool dhaliyaha horyaalka Spain ee xiliciyaareedkii hore, markaas oo uu dhaliyay 37 gool.

Sidoo kale xiddiga reer Argentina ayaa ku guulaystay abaal marinta laacibkii ugu fiicnaa La Liga xiliciyaareedkii hore, waana markii 5-aad ee uu ku guulaysto abaal marintaan.

Messi oo ka hadlay abaal marintaan ayaa yiri: “Waa abaal marin gaar ah, cajiib ayeey ahayd inaan ku guulaysto”.

Tababaraha Eibar ee Jose Luis Mendilibar iyo tababaraha Leganes ee Asier Garitano ayaa ku guulaystay abaal marinta tababarihii ugu fiicnaa xiliciyaareedkii hore.

Andres Iniesta ayaa ku guulaystay laacibkii ugu fiicnaa xulka qaranka Spain, isaga oo ka hadlay awooda xulkiisa iyo El-clasico ayuu yiri:

“Waxaan haysanaa xul awooda inuu gaaro meel dheer, waxaan rumaysanahay in kulanka El-clasico uusan go’aamin doonin tartanka La Liga, wali waxaan ku jirnaa December”.

Goolhayaha Atletico Madrid ee Jan Oblak ayaa ku guulaystay abaal marinta goolhayihii ugu fiicnaa horyaalka Spain xiliciyaareedkii hore, isaga oo ka hadlay abaal marinta uu ku guulaystay ayuu yiri: “Ma ahan abaal marin aniga oo kaliya gaar ii ah, waa abaal marin aan wada leenahay”.

Iago Aspas ayaa ku guulaystay abaal marinta gool dhaliyaasha Spain u dhashay kii ugu fiicnaa La Liga xiliciyaareed kii hore.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close