WAAN DIIDNAY: Barcelona oo diiday inay salaan sharafeed u saarto Real Madrid kulanka El-clasico

(Barcelona) 17 Dis 2017 Barcelona ayaa diiday inay salaan sharafeed u saarto dhigeeda Real Madrid kulanka sabtiga dambe ee El-clasico.

Real Madrid ayaa xalay ku guulaysatay koobka kooxaha adduunka, waxayna xaq u leeyihiin in kulanka ugu horeeya ee horyaalka Spain loo sameeyo salaan sharafeed marka loo eego sumcadii ay u soo hoysay dalka iyo horyaalkaba.

Ronaldo 1

Mundo Deportivo ayaa baahisay in Barcelona ay diiday inay salaan sharafeed u saarto ciyaartoyda Real Madrid ka hor kulanka El-clasico.

Wargayska oo soo xiganaya ra’yiga kooxda gudaheeda ah ayaa sheegay in Barcelona aysan waajib ku ahayn inay salaan sharafeed u saarto Real maadama koobka ay ku guulaysatay uusan ahayn (La Liga, Copa del Rey iyo CL).

Kooxaha Granada iyo Sevilla ayaa diiday inay salaan sharafeed u saaraan Real Madrid kadib markii kooxdu ay ku guulaysatay koobka kooxaha adduunka sanadkii tagay.

Barcelona ayaana ku taagan isla wadadii horay loo jeexay, waxayna wado walba u marayaan sidii ay uga fogaan lahaayeen inay u sacab tumaan kooxda cadawgooda ah.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close