Valencia oo ka dhaawacmay Man United

antonio-valencia

(Manchester) 17 Dis 2017. Tababaraha Manchester United Jose Mourinho  waxa uu xaqiijiyey in Antonio Valencia muruqa ku booday kulankii ay axaddii uga badiyeen 2-1-ka.

Dadabka middig waxaa daqiiqaddii 66-aad lagu bedelay Marcos Rojo.

Valencia waxa uu u ciyaaray dhammaan 18kii kulan ee ay Premier League-ga dheeleen waxa uuna bishan hadda socota ku soo bilowday shan kulan taas oo keentay in Mourinho u sababeeyo dhaawiciisa ciyaaraha is xiga ee uu dheelay.

Isaga oo saxaafadda la hadlaya kaddib kulankii West Brom waxa uu yiri: “Tani waa waxa aan ugu yeero dhaawaca December. Waa dhaawac uu sababo dadaal. Maa mid muruqa ah. Muruq booday, in uu weyn yhay, yaryahay ama dhex dhexaad yahay, ma aqaan.

“Aaan sugno. Waxaan qabaa in uu yahay shaqsi khabiir ah. Balse waa dhaawac daal keenay Qof walba ee Premier League-ka jooga, gaar ahaan kuwa dheelaya koobabka badan, Europian Cups, khatar ayey ku jiraan.”

24 kulan ayuu dhammaan tartamada uga soo muuqday Valencia Man United ololahan waxa uuna dhaliyey laba gool.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close