Liverpool oo beerka uga dhacday Bournemouth…+SAWIRRO

(England) 17 Dis 2017. Liverpool ayaa ku baashaashay oo bur bursatay Bournemouth oo ay kaga adkaatay 4-0.

Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 3-0.

Xiddiga aan cagaha badan ku taagneyn ee Philippe Coutinho ayaa goolka u daah furay Liverpool daqiiqadii 20-aad kubbad uu ka helay Andrew Robertson.

Lix daqiiqo uun kaddib daafaca aysan ka helin taageerayaasha Liverpool ee Dejan Lovren ayaa Madaxa ku dhaliyay kubbad uu ka helay Firmino, shabaqa ayuuna ku hubsaday mar uuba taagnaa meel ku dhow goosha.

Gool dhaliyaha ugu sarreeya Premier League ee Maxamed Saalax ayaa goolka saddexaad dhaliyay dhammaadka qeybtii hore ee ciyaarta kubbad uu yare dadaal muujiyay si uu shabaqa u dhex dhigo.

Salah ayaa noqday laacibkii ugu horreeyay Premier League ee 20-gool dhaliya xilli ciyaareedkan dhammaan tartamada.

Markii la isku soo laabtay qeybtii labaad ee ciyaarta Roberto Firmino ayaa dhaliyay goolka afaraad, Kubbad uu ka helay xiddiga ay dhalashada wadaagaan ee Coutinho ayuu madax ku dhammeystiray.

SAWIRRO:

salah

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close