“Waa inaan garaacnaa Real Madrid” – Marco Verratti

Image result for Marco Verratti Real Madrid

(Paris) 16 Dis 2017 Laacibka qadka dhexe ee PSG ayaa ka hadlay kulanka kooxdiisu ay la ciyaarayso Real Madrid wareega 16-ka.

Marco Verratti ayaa sheegay in kulankaas uu yahay mid si wayn looga daawan doono adduun waynaha kooxdiisana laga doonayo inay sifiican u ciyaarto.

Image result for Marco Verratti Real Madrid

Wuxuu intaa ku daray in kooxdiisu ay doonayso inay ka adkaato kooxda tababare Zidane oo ku guulaysanaysay Champions League labadii xiliciyaareed ee u danbeeyay.

“Waxaan ciyaari doonaa kulanka ugu fiican Champions League, dadka dhan ayaa daawan doona kulankaas” ayuu yiri Marco Verratti.

“Waa inaan sifiican u ciyaarnaa si aan uga adkaano Real Madrid, haddii PSG ay doonayso inay ku guulaysato koobka horyaalada yurub waa inay la ciyaartaa kooxaha ugu fiican koobka”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close