Man City oo ka talaabsatay Tottenham….+SAWIRRO

(Manchester) 16 Dis 2017. Guardiola iyo xarfaantiisa ayaa weli loo heli la’yahay cid joojisa kaddib markii ay 4-1 uga talaabsadeen Tottenham.

Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-0.

Ilkay Guendogan ayaa hogaanka u dhiibay City daqiiqadii 14-aad ee ciyaarta kaddib markii uu madax ku dhaliyay kubbad uu ka helay Leroy Sane.

Markii la isku soo laabtay qeybtii dambe ee ciyaarta Man city ayaa sii wadatay dar darkeeda.

Xiddiga baryahan ugu shidan kooxda Guardiola Kevin de Bruyn ayaa goolkii  labaad dhaliyay daqiiqadii 70-aad kaddib markii uu caawin ka helay dhaliyaha goolka koowaad.

Lix daqiiqo kaddib Jan Vertonghen ayaa rigoore ku galay Kevin de Bruyn.

Balse waxaa Rigoorada la booday Gabriel Jesus, nasiib darro birta ayuu ku dhuftay oo wuu khasaariyay.

Raheem Sterling ayaa durba helay kubadii balse isna khasaariyay gool sahlan.

Yeelkeede, xiddiga reer England Raheem Sterling ayaa ugu dambeyn shabaqa tagay daqiiqadii 80-aad kaddib markii uu dhaliyay gool aad u sahlan oo uu u soo dhigay Sane.

Sterling ayaa dhaliyay goolkiisii labaad iyo goolkii afaraad ee ciyaarta daqiiqadii 90-aad kubbad sidoo kale aad u sahlaneyd.

Christian Eriksen ayaa daqiiqadii 93-aad u dhaliyay Tottenham goolka madiga ah ay ciyaarta la timid kubbad uu ka soo toogtay diilinta ganaaxa bannaankeeda.

SAWIRRO:

cityt

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close