Luka Modric oo ku guulaystay laacibkii ugu fiicnaa koobka kooxaha adduunka ee 2017

(Abu Dhabi) 16 Dis 2017 Luka Modric ayaa loo doortay laacibkii ugu fiicnaa koobka kooxaha adduunka ee 2017 lagu qabtay imaaraadka.

Xiddiga reer Croatia ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed aad u fiican, wuxuuna abaal marintaan ka dul qaaday Cristiano Ronaldo.

Dhanka kale Real Madrid ayaa ku guulaysatay abaal marinta ciyaar wanaaga ee koobka kooxaha adduunka 2017.

Real Madrid ayaa 2-1 uga soo adkaatay Al Jazira kulankii Semi Finalka, waxayna caawa 1-0 ku dirtay kooxda Gremio ee dalka Brazil.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close