Cristiano Ronaldo oo taariikh kale ka sameeyay CAAWA koobka kooxaha adduunka

(Abu Dhabi) 16 Dis 2017 Cristiano Ronaldo ayaa goolka koowaad u dhaliyay kooxdiisa Real Madrid kulanka Final-ka koobka kooxaha adduunka.

Goolkaas ayaa ka dhigan in Ronaldo uu noqday laacibkii ugu horeeyay taariikhda ee gool ka dhaliya laba Final oo isku xiga koobka kooxaha adduunka.

Sidoo kale, xiddiga reer Portugal ayaa sii dheereystay hogaanka gool dhalinta koobka kooxaha adduunka.

Wuxuuna noqday laacibka goolasha ugu badan ka dhaliyay koobka kooxaha adduunka taariikhda, wuxuuna ka dhaliyay 7-gool.

Ronaldo ayaa sidoo kale goolkaan ku soo barbareeyay Robert Lewandowski iyo Lionel Messi oo min 53 gool u dhaliyay kooxahooda iyo xulalkooda sanadkaan 2017.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close