Zinedine Zidane oo ka hadlay saxiixa Mohamed Salah

(Abu Dhabi) 15 Dis 2017 Tababaraha kooxda Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa ka hadlay saxiixa weerar yahanka Liverpool ee Mohamed Salah.

Xiddiga reer Masar ayaa lala xiriiriyay Real Madrid, waxaana la sheegay inuu badal u noqon doono Gareth Bale.

Zinedine Zidane ayaa amaanay laacibka reer Masar wuxuuna sheegay inuu yahay laacib da’yar oo hormar ka samaynaya kubadda cagta.

“Waa laacib wayn, waxaan rumaysanahay inuu taas ku soo bandhigay Roma iyo Liverpool oo haatan uu u ciyaaro” ayuu yiri Zidane oo ka hadlay Salah.

“Wali hormar ayuu samaynayaa, inbadan kama hadlo ciyaartoyda kale, Salah wali waa uu da’yaryahay”.

“Waxaan rumaysanahay inuu leeyahay karti uu wax badan ku soo bandhigi karo kubadda cagta, taasna inbadan waan qadarinayaa”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close