Xulka Spain oo laga yaabo in laga saaro koobka adduunka ee 2018 (Maxaa dhacay?)

Image result for Spain team 2017

(Madrid) 15 Dis 2017 Xulka qaranka Spain ayaa wajahaya dhibaato culus kadib markii loogu hanjabay in laga saarayo koobka adduunka ee 2018.

Spain ayaa ka mid ah dalalka u soo baxay koobka adduunka ee 2018 lagu qaban doono Ruushka kaas oo la sameeyay isku aadka wareegiisa guruubyada.

Image result for angel maria villar

Mundo Deportivo ayaa daaha ka qaaday in xukuumada Spain ay cadaadis xoogan ku hayso sidii xilka madaxtinimada xiriirka kubadda cagta Spain looga wareejin lahaa Angel Maria Villar kaas oo ku eedeysan musuq maasuq bilihii la soo dhaafay.

FIFA ayaa ka war heshay in xukuumada Spain ay doonayso inay xilka ka tuurto Angel Maria Villar isla markaana lagu badalo madaxwayne ay wadato xukuumada.

Xiriirka kubadda cagta adduunka ee FIFA ayaa digniin u diray Spain maadama arinkaas uu jabinayo sharcigooda.

FIFA ayaa ku wargalisay xukuumada Spain in haddii ay faragaliso doorashada xiriirka kubadda cagta in xulka Spain laga saarayo koobka adduunka ee 2018.

Waxaa xusid mudan in Spain ay ku jirto guruub B, waxaana kula jira Portugal, Morocco iyo Iran.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close