Real Madrid ayaa ku guulaysanaysa koobka kooxaha adduunka (Ogoow sababta)

(Abu Dhabi) 15 Dis 2017 Real Madrid ayaa habeen dambe la ciyaareysa kooxda Gremio final-ka koobka kooxaha adduunka.

Real Madrid ayaa Semi Final-ka ku soo garaacday 2-1 kooxda reer Imaaraad ee Al Jazira kadib markii ay guul u badashay gool looga hormaray.

Marka dib loo raaco taariikhda, Real Madrid ayaa ah kooxda ugu badan ee guulaysata marka kulanku uu yahay kama danbays.

Real Madrid wax guul daro ah lama kulmin tan iyo 2000 dhamaan kulamadii Final-ka ee ay ku ciyaartay meel ka baxsan dalka Spain.

Guul daradii ugu danbeysay ee kulan Final ah soo gaarta Real Madrid oo ku ciyaaraysa meel ka basan dalka Spain ayaa ahayd 29 November 2000 markaas oo Boca Juniors ay uga adkaatay 2-1.

Wixii ka danbeeyay waqtigaas, Real Madrid ayaa 11-Final ku ciyaartay meel ka baxsan dalkeeda, dhamaana waa ay wada qaaday.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close