“Neymar waa diyaar” – Unai Emery oo sheegay in laacibka reer Brazil uu taam u yahay kulanka Rennes

Emery Neymar

(Paris) 15 Dis 2017 Tababaraha kooxda PSG ee Unai Emery ayaa ka hadlay taam ahaanshaha Neymar ee kulanka habeen dambe.

Neymar ayaa safar dag dag ah ku aaday dalka Barzil isbuucii hore, wuxuuna dib ugu soo laabtay Faransiiska arbacadii.

Neymar Emery

Shaki ayaa la galinayay in laacibka reer Brazil uu si buuxda taam ugu noqon karo kulanka Rennes laakiin tababare Unai Emery ayaa xaqiijiyay ugu danbayntii.

“Neymar waa uu soo xaliyo dhibaatadiisa, halkaan ayuu joogay tan iyo khamiistii, si fiican ayuu u qaatay tababarka, diyaar ayuuna u yahay inuu ciyaaro” ayuu yiri Unai Emery ka hor kulanka Rennes.

Tababaraha reer Spain ayaa intaa ku daray in Neymar uu la qabsaday safarada dhaadheer, wuxuuna cadeeyay in haatan wax walbo ay yihiin sidii la qorsheeyay.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close