Neymar oo u sheegay asxaabtiisa PSG kooxda uu ku biirayo suuqa xaggaaga ee 2018

(Paris) 15 Dis 2017 Neymar ayaa u sheegay asxaabtiisa PSG kooxda uu doonayo inuu ku biiro suuqa kala iibsiga ee dhamaadka xiliciyaareed kaan.

Barnaamijka El Chiringuito de Jugones ee diirada lagu saaro suuqa kala iibsiga horyaalka Spain ayaa lagu sheegay in Neymar uu doonayo inuu dib ugu laabto La Liga.

Neymar Real

Sida lagu sheegay barnaamijkaan, Neymar ayaa u sheegay asxaabtiisa PSG inuu doonayo ku biirida Real Madrid dhamaadka xiliciyaareed kaan.

“Neymar wuxuu u sheegay asxaabtiisa PSG inuu goor dhaw xiran doono maaliyada Real Madrid” ayuu yiri wariyihii waday barnaamijkaan.

Madaxwaynaha Real Madrid ee Florentino Perez ayaa maalmo ka hor sheegay in kooxdiisu ay isku dayeeyso saxiixa Neymar.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close