John Cena oo kala doortay Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo

jhn

(Europe) 15 Dis 2017. Waa ma dhammaato dooda ah kee wacan Ronaldo iyo Messi oo hadba qofbaa dhinac u jiida.

Markan waxaa ka hadlay qof aan sheekadan looga baran waana ninka ku caanka ah ciyaaraha WWE ama waxaad u taqaanaan Musaaricada ee John Cena.

Labada xiddig ayaa iminka wada heysta min 5-jeer abaal marinta Ballon d’Or kaddib markii uu Ronaldo sanadkan ku guuleystay Kubbada Dahabka.

john

“Haddii ay noqoto inaan magacaabo qaar ka mid ah xiddigaha caanka ah ee kubbada cagta, waxaan ka bilaabi lahaa kuna dhammeyn lahaa Cristiano Ronaldo.” John Cena ayaa sidaa yiri mar uu u waramayay Khabiirka caanka ah ee Mark Lawrenson ee u howl gala BBC.

WWE superstar John Cena said Cristiano Ronaldo is his favourite football player during a recent chat show appearance.

Sidoo kale musaariciistaha ayaa sheegay inuusan weligii Live u daawan kulan Premier League ah.

“Tottenham ayaa ciyaareysay isla habeenkii aan London ku lahaa dhacdada WWE. Laakiin waxaan awood u yeeshay inaan aado oo arko Garoonka, Nasiib ayaana ku lahaa inaan ku dhex lugeeyo garoonka.”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close