Chelsea oo dalab wayn ka sugaysa Manchester United (Mourinho oo doonaya Willian)

Image result for Willian United

(Manchester) 15 Dis 2017 Machester United ayaa si wayn u doonaysa laacibka keydka ka galay Chelsea ee Willian sida ay baahisay Daily Mail.

Manchester United ayaa wax ka waydiisay Chelsea xaalada Willian, laakiin maamulka Blues ayaa ka labalabeynaya inay ka iibiyaan koox si toos ah ula tartamaysa kala barka xiliciyaareed ka.

Image result for Willian United

Laakiin Blues ayaa ku qasban inay aqbasho dalabka Man United haddii loo soo bandhigo dalab wayn oo aan la diidi karin.

Willian ayaa u sheegay kooxdiisa inuu doonayo inuu ku soo bilowdo kulan walba kadib guushii uu ku hogaamiyay kooxda talaadadii.

29 jirka reer Brazil ayaa u dhaliyay kooxdiisa Chelsea xiliciyaareed kaan 6-gool, wuxuuna caawiyay 4-kale tartamada oo dhan.

Willian ayaa u saftay Chelsea dhamaan kulamada 17-da ah ee Blues ay ka ciyaartay horyaalka xiliciyaareed kaan, laakiin wuxuu ku soo bilowday oo kaliya 8-kulan.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close