“Si buuxda ayaan ugu diyaar garownay martigalinta koobka adduunka” – Vladimir Putin

Image result for Vladimir Putin World Cup

(Moscow) 14 Dis 2017 Madaxwaynaha dalka Ruushka ayaa sheegay in dalkiisu uu si buuxda ugu diyaar garoobay marti galinta koobka adduunka.

Ruushka ayaa la filayaa inuu marti galiyo koobka adduunka ee 2018 kaas oo ka xiiso badan kuwii hore inkasta oo ay ka maqanyihiin wadamo miisaan ku lahaa koobka.

Image result for Vladimir Putin World Cup

Vladimir Putin ayaa kalsooni badan ku qaba in wax walba la diyaarin doono ka hor waqtigooda.

65 jirkaan ayaa la waydiiyay, sida dalkiisu uu ugu diyaar garoobayo marti galinta koobka adduunka iyo kalsoonida uu ku qabo inay qancin karaan adduunka oo dhan, wuxuuna ku jawaabay:

“Kalsooni buuxda ayaan qabaa, wax walba sidii la rabay ayeey ahaanayaan waqtigii loogu talo galay”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close