RASMI: AC Milan oo qandaraaska u kordhisey daafaca Davide Calabria

(Milano) 14 Dis 2017 – AC Milan ayaa ku dhawaaqday inay qandaraaska u kordhisey muluqa dadadba midig ee  Davide Calabria kaasoo qandaraaskiisa la garasiiyay 2022.

Laacibkan 21-jirka ah ayuu qandaraaskiisu dhici lahaa xagaaga soo aaddan, waxaase haatan lagu daray 3 fasal oo dheeraad ah, taasoo laacib-yarahan Rossoneri ku xireeysa muddo dheer.

Guddoonka Milan ee Marco Fassone iyo maareeyaha isboortiga ee kooxda Milan jaalle Massimiliano Mirabelli ayaa si wada jir ah ugu dhawaaqay heeshiiska laacibka Calabria oo haatan heshiiskiisu taxnaan doono tan iyo JUUN 2022.

“Aad baan ugu faanayaa qandaraaska cusub gaar ahaan waxaa sii qurxinaysa iyadoo looga dhawaaqay munaasabad loo qabtay da’yarta kooxda,” ayuu yiri Calabria.


b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close