Juventus oo heshiis cusub ka saxiixaysa seddex ka mid ah ciyaartoydeeda ugu muhiimsan (Waa kuwee?)

Image result for Chiellini, Barzagli

(Torin) 14 Dis 2017 Juventus ayaa go’aansatay inay heshiis cusub ka saxiixdo ciyaartoydeeda ugu muhiimsan si ay u niyad jabiso kooxaha doonaya.

Shabakada Calcio Mercato ayaa daaha ka qaaday in Juventus ay heshiis cusub ka saxiixayso ciyaartoyda kala ah: Giorgio Chiellini, Andrea Barzagli iyo Alex Sandro.

Image result for Alex Sandro

Qandaraaska Giorgio Chiellini iyo Andrea Barzagli ayaa dhacaya dhamaadka xiliciyaareed kaan, maamulka kooxda ayaana isku raacay in laga saxiixo heshiis cusub.

Barzagli ayaa la qorsheeyay in laga saxiixo kaliya hal xiliciyaareed halka Chiellini oo 33 jir ah la qorsheeyay in laga saxiixo heshiis 2-sano ah oo ku eg ilaa 2020.

Sidoo kale kooxda ayaa heshiis cusub ka saxiixaysa Alex Sandro kaas oo hoos u dhac uu ku yimid qaab ciyaareed kiisa xiliciyaareed kaan.

Waxaana xusid mudan inuu diirada u saaranyahay kooxaha dalka ingiriiska ee Chelsea iyo Manchester United.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close