‘Gadaal ayuu u celiyey Arsenal’. – Geesi soo maray Man United oo dubka ka dhigay Wenger!

Southampton v Arsenal - Premier League

(London) 14 Dis 2017. Daaficii hore ee Manchester United Rio Ferdinand ayaa ku eedeeyey Arsene Wenger in uu Arsenal GADAAL u celiyey kaddib bar barihii ay West Ham la gashay xalay.

Gunners bareejadaas kaddib waxa ay u dhacday kaalinta lixaad mana aysan badin saddexdii kulan ee ugu dambeeyey horyaalka.

Wenger waxa uu laba sano oo sano oo qadnaraas ah u saxiixay Arsenal kaddib markii uu la qaaday FA Cup-ka halka uu markiisii ugu horreeysay waayihiisa Gunners ka haray Champions League-ga.

Hadda Arsenal waxa ay 19 dhibcood ka hooseysaa hogaamiyeyaasha Manchester City, Ferdinand waxa uu aaminsan yahay in ay kooxdu dib dib u soco.

‘Haddii aan ahaan lahaa taageere Arsenal oo halkaas fadhiya oo is weydiinaya su’aasha ah “Aayey qorshe dhismeedkii dhawrkii sano ee tagay? Ayuu yiri Ferdinand.

‘Aaway geedi socodka ee dhinacan maxaa yeelay taasi wa waxa ay helaan sanadba kan xiga. Waxaad fiirineysaa horumar kooxda dhexdeeda ah, uma jeedo.

‘Waxaan arkaa ciyaaryahnno dib u socda. Ma arko ciyaaryahanno ka hoos ciyaaraya hogaankan oo horumar sameenaya taasina waa qeyb ka mida wal walkeyga.

‘Marka aad eegto kooxda Arsenal iyo taariikhda Arsenal, xittaa bilowga waayihii Arsene Wenger waxa ay ka fekeri jireen koobab uun, guulo iyo u tartanka koobabka, horyaalada.

Taas hadda ma sameenayaan. Waxa ay u dagaalamayaan boos ama lama boos oo Champions League-ga ah.”

Gunners waxa a toddobaadka soo socda marti qaadi doonaan Newcastle kahor inta aysan Emirates ku qaabilin Liverpool ciidda Chrismass-ka kahor.

Wiilasha Wenger koox jilicsan ayaa lagu beegay wareegga 32-da ee Europa League, Ostursend.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close