DAAWO SAWIRRO: Ciyaartoyda Real Madrid oo maanta ku soo wareegay Abu Dhabi

(Abu Dhabi) 14 Dis 2017 Ciyaartoyda Real Madrid ayaa ka faa’idaystay hal maalin oo nasiino u ahayd kadib guushii xalay ay ka gaareen Al Jazira.

Real Madrid ayaa gool looga hormaray qaybtii hore ku badashay 2-gool oo ay u kala dhaliyeen Ronaldo iyo Bale.

Ciyaartoyda ayaana helay hal maalin oo nasiino ah ka hor inta aysan gudo galin isku diyaarinta kulanka Finalka.

Real Madrid ayaa Final-ka koobka kooxaha adduunka la ciyaari doonta kooxda reer Brazil ee Gremio sabtiga.

Ciyaartoyda Real ayaana ka hor kulankaas ku soo wareegay Abu Dhabi iyaga oo qaarkood ay xirteen dharka dhaqanka u ah Imaaraadka carabta.

 

 

 

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *