“Waxaan rajaynayaa in kubadda cagtu ay ii gudo deynta aan ku leeyahay” – Lionel Messi (Waa maxay deynta uu ku leeyahay?)

(Barcelona) 13 Dis 2017 Lionel Messi ayaa sheegay inuu deyn ku leeyahay kubadda cagta maadama uu sifiican u ciyaaro.

Xiddiga reer Argentina ayaa u cabtay kubadda cagta si ay ugu gudo deynta uu ku leeyahay oo ah ku guulaysiga koobka adduunka.

Image result for Messi Argentina

Messi ayaa ka fariistay u ciyaarista xulkiisa Argentina kadib markii laga qaaday Copa America 2015 iyo 2016 balse dib ayuu ugu soo laabtay.

Sidoo kale wuxuu ahaa laacibkii geeyay xulka Argentina Final-kii koobka adduunka ee 2014 lagu qabtay Brazil markaas oo koobka ay ka qaaday Germany.

Lionel Messi oo doonaya in markaan kubaddu ay u eexato isaga isla markaana ay u gudo deynta uu ku leeyahay ayaa yiri:

“Waxaan rajaynayaa in kubaddu ay ii gudo deynta aan ku leeyahay, waxaan gaari doonaa koobka adduunka anaga oo ku jirna xaalad wanaagsan”.

“Qaab ciyaareed keenu waa uu soo hagaagay, isreeb reebka waxaan wajahnay xaalado adag oo aanaan filayn, xitaa waxaan dhihi karaa uma aanaan qalmin waayo kulamada qaar waxaan awoodnay inaan si fudud ku badino”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close