Cristiano Ronaldo oo Rikoor cusub ka sameeyay koobka kooxaha adduunka

(Dubai) 13 Dis 2017 Gooldhaliyaha Real Madrid ee Cristiano Ronaldo ayaa rikoor cusub ka dhigay koobka kooxaha adduunka.

Ronaldo ayaa goordhaw u dhaliyay kooxdiisa goolka barbaraha kulan ay la ciyaarayaan kooxda imaaraadka ee Al Jazira.

Xiddiga reer  Portugal ayaana sidaas ku noqday laacibka goolasha ugu badan ka dhaliyay koobka kooxaha adduunka taariikhda.

Goolkii uu dhaliyay goor dhaw ayaa ahaa kiisii 6-aad ee uu ka dhaliyo kulamada koobka kooxaha adduunka.

Wuxuuna baska danbe ku reebay Lionel Messi, Luis Suarez iyo Cesar Delgado oo min 5-gool wadaaga.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close