“Uma xuma tababarayaashii aan ka soo hoos ciyaaray laakiin ma aha mid……? – Ibrahimovic oo maqaarka ka siibay Guardiola

gettyimages-92335903-e1513096731669

(Mancehester) 12 Dis 2017. Zlatan Ibrahimovic waxa uu ku tilmaamay Pep Guardiola mid aan  ‘Qaan gaar ahayn’ marka la eego sida uu u maamulay tabababaraha Manchester City xilligii ay ku wada sugnaayeen Barcelona.

Swedish-ka oo sanad uga hoos ciyaaray Guardiola gegida Camp Nou, ayaa guuldarro kala kulmay tababarihiisii hore axadii kulankii u dhexeeyey United iyo City ee ku idlaaday 1-2.

Kulanka kaddib waxaa ka dhacay daaradda kala qeybisa labada qol ee dhar bedelashada dagaal u dhexeeyey ciyaarahanada iyo tababareyaashooda .

Dhacdadaas kaddib wararku waxa ay baahiyeen in ciyaaryahanada City ay aflagadeeyeen Zlatan.

‘Ibra waad war badan tahay laakiin waad socod yar tahay!’ laakiin isaga oo la hadlaya Sky Italua ‘La jeclowga Kubadda Cagta’, 36 jirka waxa uu weerar afka ah oo cusub ku qaaday Guardiola.

Manchester United v Newcastle United - Premier League - Old Trafford

‘Goolal badan ayaan dhaliyey lixdeydii bilood ee ugu horreeyey Barcelona waxaana ku guuleysannay laba Super Cup. Lixdii bilood ee ugu horreysay wey wacneyd,’ ayuu yiri weeraryahanka United.

‘Wixii intaa ka dambeeyey, nidaamka iyo kaartada ayaa is bedeshay, imana wacneydn, markaa kooxdu waxa ay igu tiri la hadal Guardiola.

‘Waxaana u sheegay Guardiola in uu ciyaaryahanada kale uga tanaasul Messi. Waxa uu ii sheegay in uu I fahmay.

‘Wixii intaa xigay, keydka ayuu I dhigay kulankii ku xigay,kii ku sii xigay iyo kii kale.

‘Waxaan u maleeyey in uu xaliyey dhibtii! Wixii intaa ka dambeeyey, ilama hadal xittaa ima eegi jirin.

‘Qolka hadaan soo galo wuu ka bixi jiray.

‘In aan la kulmi marka aan u baahdo meelo kale ayuu aadi jiray. Waxaan dareemay in wax Kubadda ka baxsani jiraan.

‘Laakiin dhibta isaga ayaa waday, isaga ayuu ahaa midka aan dhibta naga dhaxeysa xalin.

‘Waxaan xasuustaa maalinteydii iigu horreysaym waxa uu ii sheegay in ciyaaryahanada Barcelona aysan tababarka ku imaan Ferraris ama Porsches.

‘Waxa uuba I qiimeyeyey xilli hore, laakiin hadaana qof aqoon ma qiimeyn kartid.

‘Khibrad ayaan isaga u leeyahay. Ma aqaan kuwa kale.

‘Laakiin waxaana qriyey isla sidaas ku dhacday Eto’o iyo Mandzukic.

‘Ma aha tababaraha ugu xun ee aan ka hoos ciyaaray.Laakiin hubaal waxa uu ahaa midka ugu qaan gaarnimada yar  maxaa yeelay ninka ragga ah wuu xalinayaa dhibtiisa.’

Premier League - Manchester City vs West Ham United

 

 

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close