“Qaladka isaga malahan ee waxaa leh Real Madrid.”.- Laacib ka tirsan Barcelona oo difaacay Cristiano Ronaldo

cr7

(Spain) 12 Dis 2017. Crstiano Ronaldo ayaa taageero ka helay daafaca kooxda Barcelona ee Nelson Semedo.

Xiddiga shanta jeer ku guuleystay Ballon d’Or ayaa kal ciyaareedkan lagu dhaleeceeyay abaarta goolasha ee ka heysata La Liga isaga iyo Benzema.

Yeelkeede, Semedo oo xulka Qaranka Portugal kala soo ciyaaray Ronaldo ayaa difaacay weeraryahanka wuxuuna sheegay in eeda ay wada leeyihiin kooxda oo dhan.

“Wax badan ma dhalinayo horyaalka laakiin weli wuxuu bixinaya caawin , Champions League sidoo kale gool ayuu dhaliyay,” Daaficii hore ee Benfica ayaa sidaa u sheegay Mais Futebol.

“Fikirad ahaanteeda, ma aaminsani inay qaladkiisa tahay, maxaa yeelay kooxda guud ahaan si fiican uma ciyaarayaan sidaa darteed sida cad waa la ciqaabay.

“Waxaa la arkaa inuusan helayn kubbado badan ama waxaa laga yaabaa inaysan kooxdu abuureyn fursado badan laakiin weli waa ciyaaryahan wayn kaa oo waxkasta ku bixinaya garoonka.”.

Dhanka kale daafaca reer Portugal oo ka hadlay inuu nasiib ku leeyahay inuu helo fursada Naadirka ah ee inaad la wada ciyaarto Ronaldo iyo Messi.

“Waxaan dareemayaa inaan Nasiibloow ahay inaan la wada ciyaaro Messi iyo Ronaldo, ma badna dadka fursadaas helay kuwaa oo xaqiiqdii ku faani kara inay la soo ciyaareen labada xiddig ee ugu fiican adduunka.

 “Waqtigan, kuwa nasiibkaas leh waa aniga iyo Andre Gomes, Sharaf ayay ii tahay, waa wax wayn inaad la ciyaarto labada ugu fiican adduunka shaki la’aan.

“Labadooda, Sahal ayay daacadii ka dhigayaan in la ciyaaro, waa kuwa cajiib ah oo go’aan ka gaari kara kulanka, Lambarada iyo Rikoodhadooda ayaa wax kasta kuu sheegaya.

“Waxay leeyihiin dabeecado kala duwan laakiin way sahlan tahay inaad la wada ciyaarto. Kubbada sii uun iyagaa kulanka go’aaminayee.”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close