“Naga dhaaf Icardi ee la soo wareeg xiddigaan” – Ronaldo oo u sheegay Perez laacibka ay tahay inuu kooxda keeno bisha Janaayo

Image result for Andre Silva

(Madrid) 12 Dis 2017 Halyeeyga Real Madrid ee Cristiano Ronaldo ayaa ku wargaliyay madaxwaynaha kooxda laacibka ay tahay in la keeno kooxda bisha janaayo.

Ronaldo ayaa u sheegay Florentino Perez inuu la soo wareego Andre Silva oo ah weerar yahanka AC.Milan suuqa janaayo sida ay baahisay Diario Gol.

Image result for Andre Silva

Perez ayaa isha ku haayay dhamaystirka saxiixa Icardi laakiin Ronaldo ayaa ka hor yimid, wuxuuna u sheegay inuu iska dhaafo Icardi oo uu la soo wareego laacibka ay isku dalka yihiin ee Andre Silva.

22 jirka reer Portugal ayaa ku biiray Milan suuqii xaggaaga markaas oo uu FC Porto uga dhaqaaqay lacag dhan 33 milyan oo Ginni.

Wuxuuna u dhaliyay AC.Milan 7-gool 18-kulan oo uu u saftay xiliciyaareed kaan, kooxda ayaana ku jirta booska 7-aad ee kala saraynta horyaalka talyaaniga.

Ronaldo ayaa dareensan in Andre Silva uu wax wayn ka badali karo weerarka Real Madrid haddii uu ku soo biiro bisha Janaayo.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close