Inter Milan oo Henrikh Mkhitaryan DOONAYSA isla bisha Jannaayo

(Manchester) 12 Dis 2017 – Kaddib markii ay xagaagii ku fashilantay Nainggolan, Vidal iyo Pastore, waxaa Inter haatan ka go’an inay is adkayso iyadoo doonaysa Henrikh Mkhitaryan sida uu faafinayo Daily Star.

Laacibkan Armenian-ka ah ayaan ku faraxsanayn kooxda United isagoo doonaya inuu ogaado waxa uu ka damacsan yahay macallin Mourinho, iyadoo haddii la qancin waayo uu isla bisha Jannaayo ba codsan karo in la fasaxo, arrintaasoo ay isha ku haysa Nerazzurri.

Warkan haatan ka imanaya England waa xan uun. Yeelkeede, Spalletti, marna ma qarinin inuu doonayo laacib khad dhexe ah oo tayo leh oo kubadda gaarsiin kara weerarka gaar ahaan Icardi, taasoo Mkhitaryan la dhigaysa nin ku habboon.

Waxaa arrintani sii xoogaynsan doontaa haddii ay Inter Jannaayo iibiso Joao Mario, iyadoo uu Armenian-kani 6 jeer fadhiyay kursiga kaydka.

during the Premier League match between XXX and XXX at Old Trafford on August 19, 2016 in Manchester, England.
during the Premier League match between XXX and XXX at Old Trafford on August 19, 2016 in Manchester, England.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close