HORDHAC: Huddersfield vs Chelsea

hh

(England) 12 Dis 2017. Chelse aoo dhawaan uun guul daro ka soo gaartay West Ham ayaa misane caawa u safri doonta Huddersfield.

Wararka Labada dhinac:

Xiddiga garabka kaga ciyaara Huddersfield  ee Rajiv van La Parra ayaa soo laabtay kaddib saddex kulan oo ganaax ah.

Chelsea ayaa indho indheyn doonta xaalada xiddigeeda qadka dhexe ee Danny Drinkwater kaa oo xanuun ku seegay kulankii dhawaa ay guul darada kala kulmeen West Ham.

Blues ayaa isku shaandheyn ku sameyn doonta shaxdeeda, iyadoo Victor Moses, Willian iyo Pedro ay rajeynayaan in safka hore looga yeero.

Ogeysiiska Ciyaarta:

Kulanka: Huddersfield  vs Chelsea (Premier League)

Goobta: John Smith’s Stadium

Goorta: 11:00 Habeenimo)

Garsoorka: Andre Marriner (England

Kulamada Waji ka Wajiga:

Guushii ugu dambeysay ee horyaal ay Huddersfield ka gaarto Chelsea ayaa ahayd 2-1 oo heerka Division Two kaa oo ka dhacay Stamford Bridge bishii Maarso 1963.

Kulankoodii ugu dambeeyay ay horyaal isku qabtaan wuxuu ahaa heerka labaad xilli ciyaareedkii 1983-84.

Wixii markaa ka dambeeyay, Blues ayaa garaacday Huddersfield  labo jeer FA Cup (2006 iyo 2008), inkastoo Terriers ay iyagana ka reebtay League Cup 1990-kii.

Safafka Macquulka ah ee Huddersfield vs Chelsea:

hhh

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close