Gerrard, Lampard iyo Scholes…saddexdan yaa wacnaa? Waxaa su’aashas dhinac u riday Kroos

POLL_5

(London) 12 dis 2017. Xiddiga Real Madrid waxa uu uga jawaabay jaamaahiirta Premier League su’aal ay muddo ku muran sanaayeen ‘Yaa wacna Steven Gerrard vs Lampard vs Paul Scholes?’

Laacibkan oo hadda si baahsan loo fahansan yahay in uu ka mid yahay khadadka dhexe ee kubadda cagta Europe ugu wacan ayaa ku guuleystay ku dhawaad wax walba oo mudnaa in lagu guuleysto intii uu joogay Bernabeu, laakiin waxaa si joogtay loola xiriirin jiray ku biiridda Machester United ololayaashii tegay.

David Moyes ayaa hore u sheegay in uu xiddigga ololaaday imaanshaha Old Trafford 2014, taas ayaan la yaab ka dhigeyn in uu ka jawaabo su’aashan gaamurtay!

Isaga oo ka jawaabaya su’aalo iyo jawaabo Twitter-ka ah waxaa la weydiiyey Kroos: “Maadama aad tahay khad dhexe oo sare, yaa ugu wacan Gerrard, Lampad iyo Scholes?

Waxa uu ku jawaabay: “Paul Scholes.”

Real Madrid v Sevilla - La Liga

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close