Barcelona oo isha ku haysa laacib u ciyaara Lazio

Image result for Luis Alberto

(Barcelona) 12 Dis 2017 Barcelona ayaa isha la raacaysa laacibka qadka dhexe uga ciyaara kooxda Lazio ee Luis Alberto.

Agaasimaha ciyaara kooxda Barcelona ayaa la socday xaalka 25 jirka reer Spain 3-dii bilood ee ugu danbaysay sida ay baahisay Mundo Deportivo.

Image result for Luis Alberto

Wuxuuna daawaday kulankii u danbeeyay ee Lazio looga adkaaday 3-1, Luis Alberto ayaana dhaliyay goolka kaliya ee Lazio ay ka dhalisay kulankaas.

Luis Alberto ayaa soo bandhigaya qaab ciyaareed fiican, Barcelona ayaana ku wargalisay dadka u dhaw xiddigaan inay si fiican ula socdaan hormarkiisa si kooxdu ay ula wareegto dhamaadka xiliciyaareed kaan.

Luis Alberto ayaa u dhaliyay Lazio 5-gool isaga oo caawiyay 8-kale xiliciyaareed kaan.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close