“Mar walba wuxuu ka cawdaa garsoorayaasha” – Guardiola oo u jawaabay Jose Mourinho

Image result for Guardiola Mourinho

(Manchester) 11 Dis 2017 Tababaraha kooxda Manchester City ayaa u jawaabay dhigiisa Jose Mourinho kaas oo eed dusha uga tuuray kadib kulankii xalay.

Kooxda Pep Guardiola ayaa 2-1 uga adkaatay Manchester United oo ay marti ugu ahaayeen Old Trafford.

Image result for Ander Herrera Penalty Man City

Mourinho ayaana ku eedeeyay kooxda City inay tahay koox gacan ka helaysa garsoorayaasha kadib markii laga diiday gool ku laad lagu galay Ander Herrera.

Laakiin Pep ayaa rumaysan in Mourinho uu marwalba cabasho ka muujiyo garsoorayaasha, wuxuuna intaa ku daray in kooxdiisu tahay koox ku ciyaarta sharaf isla markaana soo bandhigta kubadd qurxoon.

“Mourinho marwalba wuxuu ka cabtaa garsoorayaasha, waxaan nahay koox ku ciyaarta sharaf iyo soo bandhigida kubadd xaqiiqi ah” ayuu yiri Pep Guardiola.

Pep ayaa la waydiiyay waxa uu ka leeyahay rigooradii laga diiday Ander Herrera, wuxuuna ku jawaabay?

“Waa sidii sanadkii hore oo kale, waxaa laga hadlayay garsooraha, anaga ayaana guulaysanay, waxaan nahay koox run sheegaysa”.

“Waxaan helnay kubadd haysi gaaraya ilaa 80% taas ayaana kuu cadaynaysa inaan u imaanay inaan ciyaarno, waana ciyaarnay, halkaan waxaan u imaanay inaan ciyaarno, aad ayaana ugu faraxsanahay”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close