Bayern Munich oo suuqa u gashay badalka goolhaye Manuel Neuer (Yeey soo heshay?)

Image result for Bernd Leno Bayern Munich

(Munich) 11 Dis 2017 Bayern Munich ayaa waqti ku bixinaysa sidii ay ku heli lahayd goolhaye u badali kara Manuel Neuer.

Goolhayaha Bayern ayaa la maqan dhaawac halis ah oo soo gaaray, wuxuuna maray laba qaliin xili shaki laga muujinayo inuu taam noqon karo inta ka harsan xiliciyaareed kaan.

Image result for Bernd Leno Neuer

Bild ayaa daaha ka qaaday in maamulka Bayern Munich ay isku raaceen in kooxdu la soo wareegto goolhayaha Bayer Leverkusen suuqa janaayo.

Bayern ayaa u aragta Bernd Leno goolhaye buuxin kara booska uu ka maqanyahay goolhayaha cajiibka ah ee Manuel Neuer.

Kooxda ayaa dib u soo kicisay goolhaye Tom Starke oo horay uga fariistay ciyaaraha kadib markii ay qaati ka istaageen qaab ciyaareedka liita ee goolhaye Sven Ulreich kaas oo 29 jir ah.

Bayern ayaa loolan ku aadan saxiixa goolhaye Bernd Leno kala kulmaysa Real Madrid oo ka dhiganaysa badalka Navas haddii ay ku guul daraysato dhamaystirka saxiixa De Gea.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close