‘Operation Figo’. Perez oo ay aad uga go’antahay in uu Roberto keeno Bernabeu

sergi-roberto-barcelona_1qakv39xp040b1k0igzs2p0c4x

(,Madrid) 10 Dis 2017. Waxaa lagu soo warramayaa in Real Madrid ay si la yaab leh dalab uga gudbin doonto Sergi Roberto.

Roberto – oo jira 25 sano, waxa uu xubin muhiim ah ka noqday  safka Catalonia balse waxa uu dhacayaa qandaraaska uu kula jiro Catalans xagaaga dambe taas oo keentay in Real Madrid diyariso dalab dhan £35m.

Manchester United ayaa iyaduna dooneysay khadkan dhexe ee boosaska badan ka dheela yeelkeede, Florentino Perez ayey ka go’antahay in uu Bernabeu keeno.

Warka waxa uu intaa ku darayaa in Real ay diyaar u tahay fasaxidda Luka Modric iyo  Dani Ceballos si ay Roberto u keenaan, hawlka lagu keenayo xiddigga reer Spain waxaa loo bixiyey ‘Operation Figo’ iyada oo laga shidaal qaadanayo sidii muranka dhalisay ee uu Figo ugu soo biiray Madrid sanaddii 2000.

Ceballos waxaa lala xiriirinayaa Premier League-ga kaddib hoos u dhac ku yimi qaab ciyaareedkiisa ololahan halka Modric la fahansanyahay in uu galay gabagabada waayihiisa.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close