EPL: Liverpool iyo Everton oo barbaro ku kala baxay + SAWIRRO

(Liverpool) 10 Dis 2017 Kooxaha Liverpool iyo Everton ayaa ku kala baxay barbaro 1-1 ah xili uu shabaqa soo taabtay Mohamed Salah.

Ciyaarta ayaa ku bilaabatay si kulul, ciyaartoyda Liverpool ayaana soo bandhigay qaab ciyaareed fiican qaybtii hore.

42 daqiiqo Salah ayaa hogaanka u dhiibay Liverpool kadib markii uu shabaqa ku hubsaday kubadd uu ka farsamaystay daafacyada Everton, wuxuuna ka dhigay ciyaarta 1-0.

Qaybtii hore ayaa lagu kala nastay 1-0 oo ay hogaanka ku haysay Liverpool.

Qaybtii labaad, Liverpool ayaa halkeeda ka sii waday weerarka, Mohamed Salah iyo Mane ayaana ka khasaariyay fursado dhawr ah.

Klopp ayaa garoonka ka saaray Salah isaga oo keenay Firmino iyo Coutinho oo keydka fadhiyay.

77 daqiiqo Rooney ayaa u soo barbareeyay Everton kadib markii uu shabaqa ku hubsaday gool ku laad loo dhigay, wuxuuna ka dhigay 1-1.

Ciyaarta ayaana ugu danbayntii ku soo idlaatay 1-1.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close