Courtois oo ay isaga ka go’do ka talinta aayihiisa

Courtois

(London) 10 Dis 2017. Mustaqbalka goolwalaha Chelsea Thibaut Courtois ma aha mid MEEL SAARAN marka ay timaado in su’aasha ah in uu sii joogi doono kooxda taas oo hadda shaki galay, balse waxa uu sheegay in uu qadarin doono inta ka qandaraaskiisa dacaya 2019-ka.

Xiddigga reer Belgium waxa uu sheegay in uu qandaraaskiisa kaddib ka baaraan dagi doono in uu Spain ku laabto iyo in kale.

Si kasta oo ay ahaataba, TCourtois waxa uu doonaya in uu heshiis is afgarad la gaaro Chelsea inta uusan xilli ciyaareedkan idlaan

Sida uu ku sheegay wareysi uu bixiye, Belgium-ka, Courtois waxa uu qalbigiisa u qeybsan yahay in uu Spain ku noqdo iyo in uu Blues la sii joogo.

“Waan u xiisay carruurteyda,”ayuu u sheegay VTM Network.

“Taas waa sababta aan waqti ugu baahanahay in aa go’aan ku gaaro.

“Haddii aan heshiis cusub saxiixo, sababtu waxa weeye waxaan rabaa in aan Chelsea u sheego in aan halkan ku faraxsanahay oo aan rabo in aan halkan ka ciyaaro.

“Laakiin xaaladeyda shaqsiyadeed waxaigu taagan in aan ka fekero waxa ugu wacan.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close