”Mourinho waa ka shallaayey ku biiriistii Real Madrid, xitaa wuu ooyey” – Moratti

(Manchester) 09 Dis 2017 – Madaxwaynihii hore ee Inter Milan jaalle Massimo Moratti ayaa daboolka ka qaaday in Jose Mourinho uu ka shallaayey ku biiristiisii Real Madrid isla maalintii 1-aad ee uu kooxdaasi qabtay.

Macallinka haatan ee Manchester United ayaa Real ku biiray 2010-kii markii uu Nerazzurri u aaday seddexleeydii taariikhiga ahayd, waxaana sidii uu ku tegey ka sheekeeyay Moratti.

“Sanad ka hor buu isii sheegay inay xiisaynayso Real Madrid. Mourinho laftiisa ayaase ka shallaayey arrintaasi, saacado yar uun kaddib wuxuu ii sheegay inuu garowsadey inuu ganacsi qoorta la galay ee uusan qoys ku biirin.” ayuu yiri Moratti.

“Mourinho wuxuu isagoo ilmeeynaya ii sheegay inuu iska joogi lahaa haddii uu sidan ogyahay. Waxaan u sheegay inuu si madax bannaan u qaato go’aankiisa. Waxaana ku faraxsanahay inuu ilaa maanta ii sheego inuu Inter taageero.” ayuu raaciyay.

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close