Mourinho oo weeraray ciyaaryahanada Man City kahor kulanka Mancunian Derby! Muxuu yiri?

Manchester United v CSKA Moskva - UEFA Champions League

(Manchester) 09 Dis 2017. Jose Mourinho waxa uu ku eedeeyey xiddigaha Mancheter City ‘IS DAADIN’ kahor kulanka Manchester Derby.

Dhinaca Pep Guardiola 8 dhibcood ayey hogaanka ku hayaan kahor kulanka ka dhacaya Theatre of Dreams kaliya 2 dhicood ayey lumiyeen 15kii ciyaarood ee ay dheeleen.

Arsene Wenger waxa uu is tuurid ku eedeeyey Raheem Sterling ciyaartii 3-1 ku dhammaatay halka Sean Dyche uusan la dhicin dhaqankii Bernando Silva.

Chelsea v Manchester City - Premier League

Mourinho waxa uu ku eedeeyey wiilasha Wenger kuwa si sahal ah dhulka isugu tuura sidoo kale waxa uu ceynkaas ku tilmaamay kuwa Man City.

‘Waa koox fiican. Si wacan ayey isu difaacaan, si wanaagsan ayey u falceliyan marka ay lumiyan Kubadda,’ ayuu yiri Mourinho.

‘Weerarka aad ayey ugu wacan yihiin, dhaq dhaqaaq ayey dhaliyaan, ciyaaryahanno cajiib ah ayey haystaan, tababare fiican ayey haystaan, waxyaabo badan oo wanaagsan ayey leeyihiin.

‘Hal wax oo aanan jecleyn ayaa ah in ay si fudud dheelitirnaantooda ku lumiyaan.’

FBL-ENG-PR-MAN CITY-WEST HAM

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close