JUV VS INT 0-0….Derby D’Italia oo la isku mari waayay & Inter oo is muujisay + Sawirro

(Torino) 09 Dis 2017 – Kooxaha Inter iyo Juventus oo horyaalka uga kala jira kaalimaha 1-aad iyo 3-aad ayaa barbarro bilaa goolal ah ku dhamaystay kulanka kulul ee Derby D’Italia.

Mario Mandzukic ayaa ahaa ninka helay fursaddii ugu waynayd oo uu birta la dhacey, balse waxay barbarrahani anfacaysaa kooxda Inter oo aan weli dhadhamin qaraarka guuldarrada.

Kooxda Juve ayaa iyadna markii ugu horreeysey gool dhalin wayday 45 kulan oo ay ciyaartay horyaalka Talyaaniga oo ay cududda idman ee ka jirta ahayd sanadihii ugu dambeeyay.

Barbarrahan ayaa sidoo kale Napoli ka caawinaya inay berri kusoo noqoto hoggaanka haddii ay meel iska saarto kooxda Viola oo iyadna soo noolaansho ku jirtey beryihii dambe.

b

b b1 b2 b3 b4 b5 b6 b8 b9 b10 b12 b13 b14 b15 b17 b18 b19 b20 b21 b22 b23 b24 b25 b27 b28 b30 b31 b33 b34 b35 b37 b39 b40 b41 b42 b43 b44 b46 b47 b48 b49 b50 b51 b52 b53 b54 b56 b57 b58 b59 b60 b61

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close