“Isku qanci Ballon d’Or-radan aadan u qalmin,” xiddig hore u soo maray Spain oo aad u xaqiray Ronaldo

15127711069984

(Catalonia) 09 Dis 2017. Cristiano Ronaldo waxa uu soo br bareeyey Lionel Messi tirade Ballon d’Or ee uu ku guuleystay khamiistii, balse laacibkii hore ee Spain Julio Salinas waxa uu sheegay in taasi aysan ka dhigeyn xiddigga abid ugu wacan dunida.

Ciyaaryahankii hore ee Barcelona iyo Spain xittaa waxa uu qabaa in Ronaldo uusan u qalmin tiradaas Ballon d’Or ee uu hadda haysto.

“Kaliya in aad fiican tahay, micneheedu ma aha in aad tahay kan ugu fiican, ayaan daradda ku haleeshay waxa uu weeyey in aad isku waqti timaaddeen Messi-ga weyn,’ ayuu Twitter-kiisa ku qoray.

“Daacaddii, ma qabo in aad masraxa u fuushay in aad tahay kii taariikhda ugu wacnaa, waxaa jira dhawr kaa wanaagsan.

“Nafsadaada ku qanci Ballon d’Or-radan  (Waxyaabo aadan u qalmin.”

Dad badan ayaa Twitter-ka Salinas ka soo jawaabay oo ku tilmaamay mid aan xishoon balse waxa uu ku falceliyey in uu xaq u leeyahay aragtidiisa cabbirideeda!

 

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close