Hirshabeele VS Koofur Galbeed: Kullankii labaad tartanka maamul goboleedyada oo galabta dhacaya

(Muqdisho) 09 Dis 2017.Waxaa galabta la ciyaari doonaa kullan xiiso badan kaasoo ka tirsan tartanka maamul goboleedyada waxaana is arkaya xulalka Hirshabeele iyo Koofur Galbeed.

Tartanka ayaa sanadkiisii labaad ka qabsoomaya  Muqdisho, waxaana ka qeyb qaadanaya shan maamul goboleed oo lagu daray gobolka Banaadir.

Hirshabeele iyo Koofur Galbeed ayaa diyaar garoow xoogan dhowr billood waxa ay ku wadeen garoomo ku yaalo magaalooyinka Beydhabo iyo Jowhar oo ah caasimadaha ku meel gaarka ah ee dowlad goboleedyada  galabta ciyaaraya.

25129800_1531241386972447_411438850_o

Waa kullankii ugu horeeyay  ay wada ciyaaraan labadaan xul , xilli tartankan uu soo billaawday sanadkii aynu soo dhaafnay.

Hirshabeele ayaa wareega afar dhamaadka ku haray sanadkii la soo dhaafay, halka  Koofur Galbeed lagu reebay heerka guruubyada.

Sikastaba ciyaarta galabta ayaa ka tirsan guruubka B, waxaana labadaan xul ku wehliya Puntland oo koobkan difaacaneysa.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close