“Had iyo goor garsooraha ayaad jaalle waydiisaa, maad u dhaaftid isagu ciyaarta ha garsooree!” – Spalletti oo furka ku xooray Chiellini

(Torino) 09 Dis 2017 – Dhamaadkii gelinkii hore ee ciyaartii Juve vs Inter ayaa la arkayay Spalletti iyo Chiellini oo isla tirsanaya isla markaana faraha isku taagtaagaya.

Haddaba, hilika Sky Sports, ayaa soo tebinaya wixii uu Spalletti ku lahaa daafaca birta aha ee Juve oo uu ku sheegay sidatan: “Had iyo goor garsooraha ayaad jaalle waydiisaa, maad u dhaaftid isagu ciyaarta ha garsooree!”

Spalletti ayaan sida muuqata la dhacsanayn Chiellini oo garsoore Valeri ku qalqaalinayay inuu jaalleeyo laacibiinta Inter Milan.

b b1

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close